Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wararkii ugu Dambeeyay Doorashada dalka Mareykanka iyo Joe Beden oo guul sheegtay

Waxaa wali socota tirinta cododka qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka, waxaana ilaa hada codadka la tiriyay ku horeeya loona badinayaa in doorashada ku guuleesan doono musharaxa xisbiga dimuquraadiga ee Joe Biden.

Musharax Joe Biden ayaa hada heesta 253 ka mid ah 270 Codadka Ergada Codbixinta ee loo baahan yahay, si uu ugu guuleesto Madaxweynaha Mareykanka iyadoo loo marayo nidaamka codbixinta ee gobol-gobolka ku dhisan ee Mareykanka.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warameysa in musharaxa xisbiga dimuquraadiga Joe Biden hogaaminayo codadka ilaa hada la tiriyay ee gobolada sida weyn loogu loolamo ee Georgia, Nevada, Pennsylvania iyo Arizona.

Joe Biden oo la hadlay taageerayaashiisa ayaa sheegay in ay ku dhaw yihiin guul taariikhi ah, waxa uuna sheegay in uu heesto kalsoonida iyo codadka inta badan dadka Mareykanka ee codadkooda dhiibtay.

Waxa uu sheegay Bedeen in filayo in uu ku guuleesto in ka badan 300 oo Ergada codbixinta ah, waxa uuna cadeeyay in kalsooni badan ku qabo sida ay hada wax u socdaan, isagoona meesha ka saaray shakiga ee muujinayaan kooxda Trump.

Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden ayaa labo mar hore usoo tartamay xilka Madaxweynaha dalka Mareykanka inkasto uusan ku guuleesan, waxa uu sidoo kale soo noqday Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka carrooday fal uu kula kacay Telefishinka Qaranka

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dad ka badan 100 qof oo ku dhintay duufaan ku dhufatay Gobolka Sikkim (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---