Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland.
Xubnaha Guddigan uu Magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa maamuli doona doorashada Xildhibaanada labada aqal ku matali doona Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland, waxa ayna doorashada xubnaha labada aqal ka dhici doontaa Muqdisho.
Magacaabista guddigan ayaa kusoo aadeysa xili uu khilaaf xoogan ka taagnaa xubnaha guddigan, waxaana horey uga soo horjeeday in guddigan Xukuumada magacawdo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com