Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigreeda

Dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigreyda ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeeya ciidamada dowlada federaalka Itoobiya iyo ciidamo kale oo daacad u ah ismaamulka Tigrey .

Hogaamiyaha Tigray, Debretsion Gebremicheal,ayaa guulo waa weyn ka sheegtay dagaalka ay kula jiraan ciidamada federaalka, waxa uuna sheegay in dagaalka hada ka socda xaduuda maamulkooda la wadaago maamulka Amxaarada.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Tigrey in ciidamada daacada u ah maamulkiisa in ay la wareegeen inta badan hubkii ay lahaayeen ciidamada federaalka Itoobiya ee taliska ku lahaa ismaamulkooda.

Taliye kuxigeenka ciidamada federaalka Itoobiya, Jeneral Berhanu Jula, ayaa khiyaano qaran ku eedeeyay xooggaga daacadda u ah xisbiga haya talada gobolkaas ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Waxa uu sheegay Jeneraal Jula in ciidamo badan oo katirsan milatariga Federaalka loo daabulayo ismaamulka Tigrey si ay u xoojiyaan ciidamada halkaasi jooga ee dagaalka kula jira xoogaga daacad u ah maamulka Tigrey.

Dagaalka ka socda dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigrey ayaa laga cabsi qabaa in faraha ka baxo, waxa ayna dowlada ciidamo badan oo laga kala keenay gobolada dalkaasi usii daabuleysa ismaamulka Tigrey si ay dagaalka guul uga gaaraan.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa laba farriin uu soo dhigay Twitter ku sheegay in hawlgalka uu noqon doono “mid xadidan” isla markaana uu yahay mid laga fursan waayay kadib bilooyin ay dowladdiisa ku dedaalaysay inay xiisadda ku xalliso qaab nabadeed.

Waxaa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in lagu joojiyo dagaalka ka socda ismaamulka Tigrey ee dalka Itoobiya, waxa ayna caalamka dowlada iyo maamulkaasi ugu baaqeen in dagaalka wadahadal loo badalo.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii xoogaga daacada u ah ismaamulka Tigrey weerar xoogan ku qaadeen ciidamada milatariga taliska Waqooyi ee xaruntiisu tahay ismaamulka Tigrey, waxaana weerarkaasi lagu laayay ciidamo badan oo federaalka katirsan.

 

Related posts

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo baaq yaab leh u diray dagaalyahanada kooxda TPLF

Caydiid Ali

Acmaasha Xajka oo ka bilaabatay Sacuudiga & tirada Soomaalida xajiday oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Jubbaland oo War cusub ka soo saartay xaalada gobolka Gedo, dowladana ku eedeysay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---