War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo wehliyeen Ciidamo Mareykan ah kuwaa oo howlgal ka fulinayay deegaanka Gendershe oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta Sh/hoose.
Afhayeenka howlgalada Al Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al Shabaab ka hortageen Weerar ciidamada dowlada iyo kuwa Mareykan ah xalay kusoo qaadeen deegaanka Gendershe.
Waxa uu sheegay Ciidamada dowlada iyo kuwa Mareykan ah oo ka yimid Muqdisho xalay saqdii dhaxe weerar ismiidaamin ah loogu geestay duleedka Deegaanka Gandershe xili ay doonayeen in deegaanka soo galaan kana fuliyaan howlaglo.
Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarka Ismiidaaminta ah ku dileen shan askari oo mid kamid ah yahay Mareykan halka ay ku dhaawacmeen afar askari kale uu sheegay in uu ku jiro askari Ciidamada Mareykanka katirsan.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Al Shabaab in ciidmada ee weerareen in ay goobta uga tageen hub iyo agabyo kale oo ay wateen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Mareyakanka , waxa uuna xusay in ciidankaasi dib ugu laabteen Muqdisho .
Dowlada Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ayaan wali ka hadlin weerarkan Al Shabaab sheegeen in ay kula beegsadeen Shabeelaha Hoose kuna dileen ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com