Dalka Turkiga waxaa shir deg deg ah isugu yimid qaar kamid ah Madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana shirkan looga hadlayay dadkii dhawaan ciidamada Israa’il ku laayeen marinka Gaza iyo Safaarada Mareykanka ee laga furay Qudus.
War Murtiyeed gabo gabadii shirkan kasoo baxay ayaa si kulul loogu eedeeyay maamulka Isra’il oo xasuuq ku haya shacabka Falastiin iyo Dowlada Mareykanka oo safaaradeeda Isra’il u rartay magaalada Barakeesan ee Qudus.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wadamada Isklaamka ee shirkan ka qeyb galay ku eedeeyeen in uu qeyb ka ahaa dadkii Isbuucii hore Ciidamada Israa’il ku laayeen Marinka Gaza.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya.
Wadamada Islaamka ayaa marar badan yeeshay kulamo looga hadlayay dhibaatada Isra’il ku heyso shacabka dulman ee reer Falastiin, mana jiro wax ficil ah ay sameeyaan wadamadan marka laga reebo cambaareyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com