Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa warqad uu kaga codsanayo in barta Facebooka laga mamnuuco qoraalada iyo waxyaabaha kale ee Islaam naceybka ah u diray milkiilaha Shirkadda Facebook Mark Zuckerberg .
Imran Khan Warqada uu u qoray milkiilaha Facebook ayuu ugu sheegay in ay sii kordhayaan islaam naceybka iyo fariimaha lidiga ku ah diinta islaamka, waxa uuna xusay in taaabooyinkaasi horsiidi karaan naceyb iyo xagjirnimo.
Waxa uu uga digay Ra’isul Wasaare Khan milkiilaha Facebooka in talaabooyinka islaam naceybka iyo gudbinta fariimaha khaldan aan loo marin barta ay bulshada caalamka kuwada xariirto ee Facebooka.
“Waxaan ka codsanaynaa Facebook in uu boggiisa uu ka mamnuuco hadallada ama qoraallada ku saabsan islaam naceybka, farriinta abuuri karto naceybka waa in gebi ahaan la mamnuucaa- farriimaha naceybka dhalin karo ayaanan loo ogoleyn dadka qaar halka isla arrintan dad kale loo ogolyahay” ayuu yiri Imran Khan.
Warqadan uu Ra’isul Wasaaraha Pakistan u diray Milkiilaha Facebook ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweynaha Faransiiska u gefay diinta Islaamka uuna dhiiro galiyay islaam naceyb, waxa ayna taasi caro badan ka abuurtay dunida muslimka .
Facebook ayaa horey u dhaqan gelisay tallaaboloyin ay boggeeda uga saareyso qorallaada ama hadallada naceybka abuuri karo ee ku saleysan in weerar toos ah oo dhanka afka ah lagu qaado midibka qofka, qabiilka ama diinta iyo hadallada ka dhanka ah dhaqamada qaar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com