Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi ka socoto soo xulista Xildhibaanada kamidka noqonaya Baarlamaanka Labaad uu yeelanayo maamulkaasi.
Magaalada Jowhar waxaa ku sugan Qaar badan oo kamid ah Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, hasa ahaatee waxaa odayaasha hada arkayaan wax ka duwan tii ay u tageen Jowhar.
Odayaasha Dhaqankla qaarkood ayaa ka warhelay in la boobayo kuraasta Xildhibaanada ee beeshooda leedahay, waxa ayna xuseen in dadkii ay wateen ayna gudbiyeen liiskooda la reebay kuwa kalana lagu bedelayo.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Odayaasha xaqa u lahaa in ay soo xulaan xubnaha beelahooda ku matalaya Baarlamaanka Hirshabelle howlgab laga dhigay, waxaana Odayaasha la hordhigay laguna qasbayaa in ay saxiixaan xubno meelo kale laga soo qoray.
Jowhar ayaa la geeyay sida aan xogta ku helnay liiska Xildhibaanada la doonayo in ay kamid noqdaan Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle, waxaana la sheegay in liiskan diyaariyeen Villa Soomaaliya iyo taliska Nabad Sugida.
Odayaasha qaar ayey layaab ku noqotay in lasoo hordhigay loona sheegay in Xildhibaano ka dhigaan xubno aysan horey u arag waligood kuwaa oo sandule looga dhigayo Odayaasha in ay soo saaraan kuna bedelaan dadkii kale ee wateen.
Beelaha Qaar ayaana laga cabsi qabaa in ay qaadacaan sida ay hada wax u socdaan, waxaana wararku sheegayaan in Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka in la isugu darayo handadaad iyo sidoo kale balan qaadyo kale loo sameenayo.
Villa Soomaaliya ayaa diyaarisay Hogaanka maamulka Hirshabelle, waxaana ujeedka loo faragalinayo dhismaha maamulkan lagu sheegay si loo soo saaro doorashada Xildhibaano Federaal ah oo taabacsan Villa Soomaaliya si mar kale Farmaajo loo soo doorto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com