Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah iyo Xabsi dheer oo lagu riday xubno katirsan kooxda Daacishta Soomaaliya

Maxkamadda Ciidamada ee maamulka Puntland ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku riday sadex nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada maamulka Puntland.

Sadexdan nin ee lasoo taagay Maxkamada ciidamada Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso ayaa lagu eedeeyay in ay ahaayeen argagaxiso ayna geesteen falal isugu jira dilal iyo falal dambiyeedyo kale.

Gududdoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Karkaar iyo Gardafuu Ibraahim Bile Maxamed ayaa shaaciyay in ragan lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamada Ciidamada ayaana xukun dil ah ku riday Aadan Maxamed Xasan iyo Abshir Maxamed Candiraxmaan Tooshle halka 20-sano oo xabsi ciidan ah Maxkamada ku riday Maxamuud Shiniyow Cali .

Kooxda Daacish ayaa ku xoogan deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, waxa ayna kooxdaasi gudaha Puntland ka fuliyaan dilal qorsheesan iyo weeraro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalalka G7 oo lagu wargaloyay xilliga Iran weerari doonto Israa’iil

Cabdi Cade

Muqdisho oo mar kale laga waayey kiisas cusub oo la xiriira Coronavirus

Caydiid Ali

Ciidamada dowlada oo dagaal kula wareegay degaan ka tirsan Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---