Wararka ka imaanaya magaalada Jalalabad ee dalka Afgaanistan ayaa sheegaya in xalay saqdii dhaxe qarayo ismiidaamin ah lagu qaaday garoon kubada lagu ciyaaro, xili halkaasi dad badan ku sugnaayeen.
Labo weerar oo ismiidaamin ah ayaa xalay saqdii dhaxe ka dhacay gudaha iyo banaanka garoon lagu ciyaarayay Kirikitka, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay 8-qof ayaa ku dhintay qaraxyadan ismiidaaminta ah ee ka dhacay garoonka kuyaala Jalalabad, waxaa sidoo kale qaraxyadan dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dad ka badan 50-qof.
Garoonka Weerarka lagu qaaday ayaa ka socotay ciyaarta loo yaqaan Kirikitka oo xiliyada habeenkii ah la ciyaaro marka la gaaro bisha Ramadaan, waxaana weerarkan lagu tuhmayaa kooxaha Islaamiiina ee dalka Afgaanistan ka dagaalama.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com