Booliska Kismaayo ayaa sameeyay howlgal ka dhan ah tagaasida ka shaqeeya gudaha Magaaladaas.
Howlgalkan oo maanta Ciidanka Booliska ka sameeyeen xaafadaha iyo wadooyinka Kismaayo ayaa lagu soo qab qabtay ku dhawaad labba boqol oo gaadiidka dadweynaha ah gaar ahaan tagaasida isla markaana lagu xareeyay qaybta Booliska gobolka Jubbada Hoose.
Gaadiidkan la soo qab qabtay ayaa loo heystaa in aysan marin nidaamka ay maraan Gawaarida loogu talagalay in laga dhigo tagaasida taasina ay keentay in Ciidanka Booliska iyo Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland ay iska kaashadaan hawlgalkan.
Gaanshaale Warsame Axmed Geele taliyaha saldhiga Booliska Degmada Kismaayo ayaa sheegay in Tagaasida maalmahaan danbe ay amniga lid ku noqdeen.
“Waxaa suuqa soo galay Baabuur Tagaasi ah ay leeyihiin dad shaqsiyaad ah oo aan Wasaarada Gaadiidka ka diiwaan gashaneyn” ayuu yiri Taliye Warsame.
“Qof walbo waxa uu tagay madbacad wuxuuna soo daabacday warqad uu ku dhagsado taxiga sidoo kale beensal ayay soo saarteen taarakadiina wey iska fureen halkaasna waxa ka soo baxay wax amniga lid ku ah” ayuu intaa ku daray Taliyaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com