Guddigii ay dhowaan Jubbaland u xil-saartay in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdo 22-kii bishii hore ka dhacay Deegaanka Yadho ee Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo taasoo la xiriirtay sideed ruux oo la sheegay in ciidamada Dawladda Kenya ka qabteen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa baaritaan dheer kadib maanta soo bandhiggay natiijadii ay ka soo saareen baaritaankooda.
Gudigga ayaa natiijada baaritaankooda ku shaaciyay in tirada guud ee dadka la waayay ay ahaayeen sideed ruux, hal qof uu geeriyooday, 5 kale ay ku guuleysteen in ay dib ula midoobaan qoysaskooda halka afar kalana ay wadaan dadaalkii lagu soo deyn lahaa iyagoo sheegay inay wada hadal kula jiraan dawladda Kenya dhawaana ay soo sii deyn doonaan.
Gudigga ayaa Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo kulan kula yeeshay Siyaasiyiinta, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool Degmadaasi oo in badana sugayay waxyaabaha ka soo bixi doona baaritaankii ay gudigu wadeen.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Cabaas Ibraahim Gurey oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dadka 4 ka mid ah laga qabtay agagaarka koontiga Wajeer.
“Afarta kale ee maqan iyagana waan ku daba jirna Dowlada Kenya waxa noo socda wada hadal” ayuu yiri Taliye Cabaas.
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Dawlad Gobaleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay gudigga loo xilsaaray dhacdadaan ayaa sheegay in ay wajigii koowaad ku guuleysteen sii daysmada saddex ruux, qofkii geeriyoodayna ay keeni doonaan diyadiisa halka afarta kale ee dhimmana dadaal ugu jiraan sidii iyaguna loo soo deyn lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com