Allbanaadir.com
NEWS

Musharax Madaxweyne Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay Turkiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, oo ololihiisa tartanka madaxweynaha ka wada dalka dibadiisa oo maanta gaaray magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay halkaas.

Xasan Khayre oo ay wehliyaan saraakiil kamid ah kooxdiisa ololaha ayaa lasoo warinayaa inuu la kulmayo madaxda dalka, bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga iyo qurba joog kale dalalka Yurub uga timid inay la kulmaan.

Musharaxa oo September billaawgeedii ku dhawaaqay musharaxnimadiisa ayaa si dardar leh ku billaabay ololihiiisa, waana musharaxa kaliya ee ilaa hadda si rasmi ah u guda galay dadaalka uu ugu jiro hanashada kursiga madaxtinimada dalka.

Munaasabado lagu soo dhaweynayo musharaxnimada Xasan Cali Khayre oo ah musharaxa ugu cadcad ayaa mudadii uu xilka joogay qabtay howlayaa lagu qabtay gudaha iyo dibadda dalka.

Related posts

Madaxweyne Deni oo Cafiyay Xildhibaankii dhawaan ka careesiiyay !!

Cabdi Cade

Maxaa ka soo kordhay Xaalada degmada Balcad iyo dagaaladii maanta ka dhacay?

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo mar kale ka hadlay xadgudubka Itoobiya iyo Damaceeda waalida ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---