Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Laami sanado badan u xirnaa safaarado oo dhagxaanta laga qaaday

Wadada muhiimka ah ee isku xirta isgoysyada Tarabuunka iyo Km4 oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa la bilaabay in dhagxaanta laga qaado.

Muddo sanado ah ayey wadadan u xirneyd safaarado shisheeye, waxaana dhisme ku yaalla wadadan dhinaceeda degay markii ugu horeysay safaarada Turkiga ee Somalia oo ka guurtay markii la dhameystiray dhismaha safaarad weyn oo ay ka dhisteen Muqdisho, waxaana ka dib halkaas degay safaarada Qatar ee Somalia.

Wadadan muhiimka u ah isku socodka gaadiidka Muqdisho ayaa xirnaanshaeeda waxaa ka dhashay saameyn kala duwan, waxaana ku xirmay ganacsi fara badan, iyadoo ay xusid mudan tahay in wadadan dhagxaanta lagu jaray ka sokow lagu xiray albaabo waaweyn oo laga dhisay bartamaha laamiga.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa isku dayey inuu furo wadadan, hase ahaatee dedaalkaas ayaa ugu dambeyn guuldareystay ka dib markii laamaha amaanka DF ay ka hor yimaadeen.

Safaarada Qatar ayaa la sheegay iney haatan ka guurtay dhismihii ku yaallay wadadaas, ayna degtay dhisme kale, waxaana maanta la arkayey gaadiid waaweyn oo qaadaya dhagxaantii lagu jaray wadadan taasoo sida muuqata gogol-dhig u ah in mar kale dib loo furayo sanado ka dib.

Wali waxaa xiran wadooyin badan oo muhiim ah socodka dadka iyo gaadiid ee Muqdisho, kuwaasoo u xiran Wasaarado iyo heyado kale oo muhiim ah sababo lagu sheegay dhinaca amaanka awgeed, rajo badana lagama qabo in la furo inta ay socdaan weerarada Al-shabaab oo aan illaa hadda loo helin xal waara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ehelada Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ka hor yimid xukunkii Maxkamada G/Banaadir

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Deni oo qaabilay Abshir Cumar Huruuse & wafdiga uu horkacayo

Caydiid Ali

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Baardheere & Masuuliyiin ku dhaawacmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---