Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta nin biskoolad ku hubeesnaa oo la tuhmayo in uu katirsanaa Al Shabaab loogu geestay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir .
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ninka hubeesan la dilay xili uu doonayay in uu dilo askari katirsan ciidanka dowlada, goobjoogayaal ayaana ku waramay in askariga xabada kala hormaray ninka hubeesan ee doonayay in uu dilo.
Goobta dilku ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ka baxsaday nin kale oo la socday ninka hubeesnaa ee la dilay, waxaana halka uu dilku ka dhacay soo gaaray saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada oo goobta ka qaaday ninka la dilay si baartitaano ugu sameeyaan.
Inta badan kooxaha hubeesan ee dilalka geesta ayaa ka baxsan jiray gacanta ciidamada dowlada, mana ahan markii ugu horeesay oo la dilo rag hubeesan oo doonayay in ay fuliyaan dilal qorsheesan.
Dilkan ayaana imaanaya xili saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka dhaceen dilal qorsheesan oo loo geestay askar katirsan dowlada Soomaaliya iyo dad shacab ah, waxaana baxsaday inta badan dadkii dilalkasi fuliyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com