Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Soomaaliya oo Codka Kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh waxa ay u ansixiyeen Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ka codsaday Xildhibaanada golaha shacabka in codka kalsoonida siiyaan Wasiiradan cusub uu soo magacaabay, waxa uuna tilmaamay in uu kusoo xushay karti iyo aqoon ayna kasoo bixi karaan shaqada loo igmaday.

Kulanka Baarlamaanka oo fadhiyeen 188 Xildhibaan ayaa Xukuumada cusub waxaa ogolaatay dhamaan Xildhibaanada kulanka fadhiyay ma jirin cid diiday iyo sidoo kale cid kahor timid ansixinta Xukuumada cusub.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaana ansixinta kadib durba lagu dhaariyay Xildhibaanada hortooda,  waxaana dhaariyay Wasiirada inta kulanka joogtay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka.

Wasiirada maanta helay codka kalsoonida ayaa la filayaa in si deg deg ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana xusid mudan in qaar badan oo kamid ah Wasiirada la ansixiyay in ay kamid ahaayeen Xukuumadii hore kuwaa oon xilka aysan jirin cid ay kala wareegayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo saxiixay amar Maraykanka looga mamnuucay shirkado caan ah

Caydiid Ali

Xarunta Baarlamaanka dalka Norwey oo khatar Amni loo xiray iyo baaritaano socda

Cabdi Cade

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Yemen oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---