Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo Howlgal qorsheesan ku dilay Cabdiraxmaan Abuu Ayman

War kasoo baxay taliska ciidanka milatariga Soomaaliya oo lagu baahiyay Warbaahinta dowlada ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheesan ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab lagu dilay sarkaal iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Ciidamada Danab ayaa la sheegay in howlgalka ka fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo kawada tirsan gobolada Shabeelaha Dhaxe iyo Shabeelaha Hoose.

Warka lagu baahiyay Warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa lagu sheegay in ciidamada intii ay howlgalka wadeen dileen lix dagaalyahan uu ku jiro sargaal sare oo kooxdaasi katirsanaa sidoo kale bur buriyeen xarumo Shabaab lahaayeen.

Milatariga Soomaaliya ayaana sheegay in xubnaha howlgalka ku dileen ciidamada Danab in uu ku jiro Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) oo saraakiisha dowlada sheegeen in uu Al Shabaab u qaabilsanaa maaliyada gobolada Shabeelooyinka.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan shaacisay in howlgalo ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Danab ka fuliyeen gobolada Shabeelooyinka ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox Afduubatay Muwaadiin Mareykan ah oo dalbaday Malaayiin Dollar

Cabdi Cade

Burcad hubeesan oo dhac ka geesanayay Muqdisho oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo:-Somaliland oo ka hor timid Ciidamada caalamiga ah ee laga dhisayo Badda cas !!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---