Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo siyaasadeed oo ka dhacay Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Rooble oo…

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo siyaasadeed oo xildhibaanada Golaha shacabka looga raadinayay kalsooni siinta Golaha Wasiirada cusub ka dhaceen Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal badan u gashay sidii Xildhibaanada qaar ee kasoo horjeeda Xukuumada cusub loogu qancin lahaa in ay taageeraan ayna siiyaan codka kalsoonida si Xukuumada u shaqeyso.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanada Madaxda sare la kulmeen ayaa loo sameeyay balan qaadyo kala duwan, waxaana Xildhibaanada qaar loogu laab qaboojiyay in mar kale soo laaban doonaan.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in Xildhibaanada golaha shacabka horgeeyo Golihiisa Wasiirada si uu Baarlamaanka u weediiyo in ay codka kalsdoonida siiyaan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaanada badankood taageero u muujiyeen Xukuumada cusub, waxaana la filayaa in si aqlabiyad leh maanta codka kalsoonida ku siiyaan Wasiirada magacaaban.

Golaha Wasiirada cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u badan Xukuumadii hore uu hogaamin jiray Xasan Cali Kheyre, Xukuumadan ayaana la filayaa in ay shaqeyso bilaha yar ee u harsan jiritaanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Kooxda Xamaas oo caawa sii deysay Maxaabiis kale oo u dhashay dalka..

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo talisyo cusub soo kordhiyey iyo Saraakiil loo Magaacabay

Caydiid Ali

Arrin la yaab leh oo ka Dhacday Muqdisho kadib markii Neef Sac ah uu liqay Jaad iyo Mobile

Cabdi Cade