Allbanaadir.com
NEWS

Aas iyo Baroor Diiq loo sameeyay Sheekh Maxamed Cadnaan oo qarax lagu dilay

Aas balaaran ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin iyo dad aad u badan ayaa magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Siiriya loogu sameeyay Sheekh Maxamed Cadnaan al-Afiyuni ahaa mufti sunni ah oo aad looga yaqaanay dalka Siiriya.

Sheekh Maxamed Cadnaan ayaa lagu dilay qarax xoogan oo lala beegsaday gaari uu watay oo marayay duleedka magaalada Dimishiq , waxaana dilkiisa ka naxay dad badan oo aad u taageersanaa wadaadkan.

Wadaadkan qaraxa lagu dilay ayaa la sheegay in uu aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al Asad, waxa uuna marar badan ka qeyb galay wada xaajoodyo lala furay kooxo ka dagaalamayay deegaano ku dhaw dhaw Dimishiq.

Dadweyne badan oo ka qeyb qaadanayay aaska wadaadkan ayaa naxashgkii ee meydkiisa ku wadeen la dhax maray wadooyin kuyaala caasimada Siiriya, waxa ayna ugu dambeyn u sameeyeen wadaadka aas balaaran.

Wadaadkan la dilay oo ahaa mufti caan ka ahaa Siiriya ayaa si weyn u dhaliili jiray kooxaha xagjirka ee dagaalada kawada Siiriya, waxa uuna kasoo horjeeday dagaalada iyo weerarada ee fuliyaan kooxaha xagjirka lagu tilmaamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cawad oo ka hadlay Wararka sheegaya in shaqada laga eryey Cabdullaahi Dool

Caydiid Ali

Wasiir Xundubey oo amar Iiyo digniin siiyey taliyeyaasha amniga Muqdisho

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---