Allbanaadir.com
NEWS

Tartanka Kubada Cagta Degmooyinka gobolka Banaadir oo maanta furmay (Sawirro)

Waxaa Maanta Garoonka Kubada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka furmay Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020, kaasi oo sanadkaan markii ugu horeysay ay ka qeyb-galayaan Naadi ka socda Degmada Balcad.
 
Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan iyo Wasiirka Magacaaban ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Maxamed Xamsa ayaa si wadajir ah u furay tartanka sanadkan.
Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal kantirsan Dowlada Hoose ee Xamar Cayaartoy hore, Marti Sharaf iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa Garoonka ku sugnaa, Waxaana Halkaasi Astaanka Calanka ku tumay Ciidanka Daambeeda Booliska Soomaaliyeed.
 
Madaxda Gobolka Banaadir ayaa Naadiyada ka qeyb-galaya Tartanka u rajeeyay in ay Cayaar wanaag soo bandhigaan inta uu socdo Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulankii ugu horeeyay ee lagu furay tartanka kubada cagta degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa wada ciyaaray degmooyinka Dharkeenley iyo Cabdicasiis, waxaana hal iyo eber looga adkaaday degmada Dharkeenley oo sanadkii hore koobka qaaday.
Tartanka Degmooyinka gobolka Banaadir ayaana sanadkan xiiso gaar ah leh, waxaana degmooyinka gobolka sanadkan sameeyeen diyaar garow aad u balaaran ay ugu jiraan in mid waliba guulo loo riyaaqo ka gaarto tartankan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Filish oo eedeymo kulul u jeediyey shacabka gobolka Banaadir (Video)

Caydiid Ali

Dhambaal laga siday Xasan Shiikh oo la gaarsiiyey Sheikh Salem Al-Jaber Al-Sabah (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray xarun cusub, kana warbixiyey howlaha ay qabaneyso (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---