Allbanaadir.com
NEWS

Hadal uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Trump oo hadal heyn iyo caro ka abuuray Hindiya

Qaar kamid ah shacabka dalka Hindiya ayaa ka carooday hadal uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump xili uu ka qeyb galay dood uu la yeelanayay Musharaxa kasoo horjeeda ee Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa intii ay socotay dooda kaga hadlay arimo badan oo kamid tahay cimilada dunida ee sii xumaaneysa, waxa uuna dalka Hindiya ku tilmaamay mid wasakh ah sidoo kale hawadeeda ay haleesan tahay.

Hadalkan kasoo yeeray shacabka Hindiya ayaana hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Hindiya, waxa ayna dadka qaar sheegeen in Madaxweyne Trump oo saaxiib dhaw la ahaa Hindiya hadana u gefay.

Dadka qaarkood ayaana si caro leh uga falceliyay hadalka Madaxweyne Trump, halka dadka Hindiya qaarkood hadalkaasi ku tilmaameen mid run ah ayna tahay cimilada dalka Hindiya mid xun oo hawadeeda wasakh ah.

Madaxweynev Trump hadalkan uu ka dhawaajiyay ayaa la sheegay in uu saameyn ku yeelan doonin xiriirka kala dhaxeeya dalka Hindiya gaar ahaan xiriirka uu la leeyahay Ra’isul Wasaare Narendra Mod

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay sababta ay Al-Shabaab u gubayaan gaadiidka dhuxusha wada?

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo shaaciyey in dib loo bilaabayo wadahadalkii DF iyo Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

Aqoonyahan Caan ah oo loo doortay Senator kadib doorasho adag oo dhacday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---