Sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo lala beegsaday Dugsi lagu barto diinta oo ku yaalla gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan,
Duqeynta ayaa ka dhacday dugsi Qura’aanka lagu barto oo ku yaalla tuulada Hazara Qurluq ayaa dad ku dhintay waxay ka kooban yihiin 11 caruur ah iyo macalinkoodii.
Dowladda Afghanistan sheegtay inay ku dishay aaga duqeyntu ka dhacday 12 dagaalyahan oo ka tirsan Taliban, ka hor inta uusan soo bixin warka sheegaya in dadka la laayey ay yihiin caruuur iyo Macalinkoodii.
Dhaqaatiirta isbitaal ku dhow halka ay duqeynta cirka ka dhacday ayaa sheegay in dhibanayaasha ugu badan ee la keenay ay yihiin caruur, Maxamad Jawaad Xejri oo ah afhayeenka gudoomiyaha gobolka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta lagu laayay caruur.
Duqeyntan ayaa timid kadib markii in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay Taalibaan ku qaadeen gobolka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com