Umadda Soomaaliyeed 100% la iskuma diidana in ay Muslim yihiin, balse tan in la kala saaro u baahan ayaa ah; midkee innagu weyn Diinta iyo Dhaqanka /caadada /aaminaadda /curfiga?
Marka aad u fiirsato keenna aanan aqoon micnaha diinta islaamka iyo tiirarkeeda, markaad u fiirsato keenna aanan aqoon maxaa waajib ah maxaase ka sii waajib san, markaad u fiirsato keenna aanan aqoon micnaha Muslim & Islaam farqiga u dhaxeeya,.
Waxaa kuu soo baxaya; in iyadoo haba yaraatee aana wax aqoon ah loo lahayn haddane, haddii aad wax uun isku qabataan/ ka dooddaan, isla markiiba wuxuu ku cararayaa aayado Qur’aan ah oo uu isagu u tafsiirinayo siduu jecel yahay.
Tusaale, dadaal ama shaqeyso haddaad ku tiraahdo oo fadhiga ka kac, isla markiiba aayadda ugu danbeysa suuratul Baqara (البقرة) ayuu iska soo jarayaa.
Haddii aad kala hadasho isaga oo baagamuundo/ shaqo la’aan ah in uusan guur ama arrin uusan ka bixi karin ku deg degin wuxuu iska soo jarayaa aayad irsaaqda xisaab la’aan in la is kugu keenaayo ka hadleysa.
Hadii aad kala hadasho dhib nafsadiisa/nafsadeeda ku soo socoto wuxuu iska soo jarayaa isla aayad kale oo ka hadlaysa naf waliba waqtigeeda in ey ku dhimaneyso.
Intaas aan kor ku soo xusay iyo kuwa ka sii badanba, waxa ay ku tusayaan in soomaalidu “doqon qadar taqaan” tahay, oo ay curfiga, dhaqanka/caadada iyo aamminaadda ka hormariyaan, kalana weyn yihiin waxa diintu u fareyso ficil ahaan. Waxaa kale oo laga fahmi karaa; in soomaalidu wehsileey tahay oo ay jeceshahay tacab la’aan inay dheregto.
Maahmaah Soomaaliyeed ayaa ka digeysa ina aysan qofka aadanaha ah ku fiicneeyn inuu Alle aamin kaliya noqdo, isaga oo aan wax tallaab dadaal ah qaadin, oo luguhu isu korsaaran yihiin. Maahmaahdu waxa ay u dhigmeysaa sidatan “doqon qaddar taqaan alle wax kuuguma daro”. Sax ma ah inaad juhdi la’aan meel fariisato ee aad ku dooddo wixii alle ii qaddaray ma weeynaayo amase waan helayaa.
W/Q Saciid Cabdi Faarax Qalable
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com