Warar soo baxaya oon helnay ayaa sheegaya in ay socdaan qorshe la doonayo in lagu furo wadada kasoo baxda Isgooska KM4- ee aada dhinaca tarabuunka oo lagu xiray dhagxaan iyo ganjeel , wadadan ayaana sanado badan u xirneyd safaarada Qadar oo halkaasi kutaala.
Safaarada Qadar ayaa la sheegay in ay ka guureyso dhismihii halkaasi kuyaalay, waxaana durba la bilaabay agabkii safaarada u yaalay dhismahaasi in laga qaado, waxa ayna safaarada Qadar ka dageysa Muqdisho dhismo cusub ay dhisatay .
Laamigan oo muhiim u ah isku socodka Muqdisho ayaan sanado badan la isticmaalin , kadib markii safaarada Turkiga degtay dhismo weyn oo laamiga dhinaciisa kuyaala, waxaana safaarada Turkiga markii ay guurtay kadib halkaasi degay safaarada Qadar.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaana aad ugu faraxsan in la furo wadadan oo muhiim u ah isku socodka caasimada, waxaana dadku inta badan maraan wadada Taleex oo bur bursan xiliyada qaarna uu ka jiro cariiri badan.
Wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa u xiran safaarado shisheeye iyo sidoo kale masuuliyiin dowladeed, waxa ayna wadooyinka dhagxaanta lagu xirtay wax iu dhimeen bilicda caasimada iyaga oo sidoo kale abuuray cariiri badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com