Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

COVID-19 oo ku soo labo kacleeyey Jabuuti iyo go’aan ka soo baxay dowlada

Jabuuti ayaa mar kale xirtay xudduudaheeda kaddib markii uu soo laba kacleeyey cudurka Coronavirus.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay dalkaas laga diiwaan geliyey kiisas badan,

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu sheegay in xadduudaha dhanka dhulka la xirayo muddo 15 maalmood ah, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

Jabuuti waxay ka mid ahayd dalalka Afrika ee uu sida ba`an ugu faafay COVID-19, hase yeeshee dadaal ay dowladdu sameysay ayaa lagu sheegay inay yaraadeen kiisaska, muddooyinkii ugu dambeeyay.

Bilihii ugu dambeeyay xanuunka coronavirus ayaa ka dabar go`ay dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka. Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda ayaa lagu sheegay inaysan jirin kiisas cusub, isla markaana dhammaan dadka uu ku dhacay ay ka bogsadeen.

Balse shalay oo keliya ayay wasaaraddu shaacisay 30 kiis oo cusub, taasoo dhalisay walaac cusub oo la xiriira in cudurka uu mar kale soo labo kacleeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso :Toban Qodob Oo Lagu Xalin Karo Dhibaatada dalkeena iyo dadkeena heesata

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre iyo James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

ICPAC oo ka digtay mashaqo ku soo wajahan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---