Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug ka dib kulan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa u mahad celiyay Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug.
“In la helo sharciga Booliska Galmudug oo ay wasaaraddu Baarlamaanka u gudbisay 13 Oktoobar 2020, Waa guul u soo hoyatay reer Galmudug waana bilowga dhisamaha ciidamada Amniga Galmudug oo ku dhisma qaab sharci ah” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale ay wasaaraddu u mahad celinayso xeeldheerayaashii ka soo shaqeeyey sharcigan iyo Madaxweynaha Dawladda Galmudug oo kaalin muuqata ka qaatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com