Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Dowlad ka tirsan Yurub oo dalkeeda ka tarxiilaysa boqolaal Muslimiin ajnabi ah

Dowlada Faransiiska ayaa isku diyaarinaysa iney dalkeeda ka saarto 231 ajaanib ah oo ku jira liiska dad looga shakisan yahay caqiidooyinka diimeed ee xagjirnimada ah.

Talaabadan ayaa ku soo aaday dhowr maalmood ka dib markii Islaami u dhashay Ruushka uu madaxa ka jaray Macallin sawir gacmeed gef ah ka sameeyey Nebi Maxamed NNKH.

Wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska ayaa xaqiijisat cayrinta ajaanibta muslimiinta ah, hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan kama bixin.

Dowlada Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa cadaadis kala kulmeysay xisbiyada muxaafidka iyo Midigta fog oo soo jeeninayey iney mowqif adag ka qaadato dadka aan u dhalan wadanka ee loo arko inay qatar ku yihiin amaanka.

Macron ayaa dareemay dhibaatada uga timid Hadal diinta islaamka gef ku ah oo uu dhowaan jeediyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Deni & Madaxda Shirkadda DP-WORLD?

Caydiid Ali

Wasiirka difaaca Kenya oo booqday Magaalada Kismaayo, lana kulmay..(Sawirro)

Caydiid Ali

Nin si arxan daro ah Muqdisho ugu dilay Labo caruur ah oo Xaaskiiisa dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---