Koox u doodda xuquuqda aadanaha iyo Haweeneydii uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi ayaa maxkamad ku taalla Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.
Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Now ku eedeyneysaa Maxamad Bin Salman inuu amray dilka wariye Jamal Khashoggi, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo loo heysto dilkaas.
Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman.
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa horey u beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Khashoggi, sannadkii 2018-kii.
Khashoggi oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliilayo siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post, kuwaasoo ay si weyn u dhibsatay boqortooyada Sacuudiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com