Dr. Maxamed Mustaf (Mascari) oo Maamulaha isbitaalka isku daaweynta daawo dhireedka Daarul-Dawa Hospital oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay wararka sheegaya in waxyeelo ka dhalato Isticmaalka malabka la isku cayiliyo.
Waxa uu sheegay Dr Macsari in baaris ku sameeyay malabkan la isku cayiliyo ayna noqotay natiijada usoo baxday in uusan jirin wax dhibaato ah uu u keenayo dadka isticmaalka marka ay u isticmaalaan sida loogu tala galay.
Dr Mascari ayaa tilmaamay in malabkan oo hada dadka Soomaaliyeed bilaabeen in ay u isticmaalaan si uu raashinka ugu furu uguna cayilaan in aan Soomaaliya kaliya loo iibkeenin balse la geeyo wadamo waa weyn oo leh sheybaaro laguna xaqiijiyay in aysan dhibaato laheyn malabkan.
Waxa uu sheegay Dr-ka in Malabkan la isku cayiliyo ka kooban yahay waxyaabo la isku dar daray oo ay kamid yihiin Malab, gob, Cambar iyo waxyaabo kale, waxa uuna cadeeyay in aysan jirin wax dhibaato ah uu dadka u keenayo malabkan kadib baaritaan uu ku sameeyay.
”Malabkan oo lagu sameeyo dalka Yaman waxaa laga sameeyay waxyaabo la isku dar daray oo kamid yihiin malab , gob iyo cambar, dadka hadii sidii loogu tala galay u isticmaalaan wax dhibaato ah kama soo gaarayaan , balse hadii si khaldan loo isticmaalo oo la iska badiyo waa suurto gal in dadku saameeyo” ayuu yiri Dr Mascari.
Qaar kamid ah dadka isticmaalay malabkan oo iyana Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan kala kulmin isticmaalka malabkan , waxa ayna tilmaameen in malabkan u isticmaaleen in cuntada u furo sidoo kale daawo ahaan loogu qoray.
Hadalkan kasoo yeeray  Dr. Maxamed Mustaf (Mascari) oo Maamulaha isbitaalka Daarul-Dawa ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxeen warar sheegayay in dad isticmaalay malabkan qaarkood dhinteen kuwa kalana ay waxyeelo kasoo gaartay.