Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Iimaan oo xariga ka jaray Wado kutaala Muqdisho oo si qurux badan loo dhisay (Sawirro)

Ku-simaha Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Gudoomiye ku xigeynka Maamulka iyo Maaliyada Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa caawa xariga ka jaray wado si qurux badan loo dhisay oo laga hirgaliyay degmada Warta Nabada.

Wadadan xariga laga jaray oo la saaray Interlock ayaa gaareysa 700 mitir, waxaana dhismaha wadadan sida quruxda badan loo dhisay gacan weyn ka geestay maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeynka Maamulka iyo Maaliyada Mudane Axmed Xasan Iimaan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin hirgalinta wadadaan uu sheegay in ay iska kaashadeen Bangiga Aduunka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Axmed Iimaan ayaa sheegay in gobolka Banaadir gacan ka geesan doono dhismaha wadooyinka kale ee magaalada Muqdisho , waxa uuna xusay in maamulka diyaar u yahay horumarinta gobolka iyo sidii wadooyinka caasimada loo dhisi lahaa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wadooyin kuyaala qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho saaray Interlock, waxa ayna taasi sare u qaaday bilicda wadooyinka la saaray oo qaarkood markii hore ahaa kuwa aad u bur bursan.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha oo gaaray go’aan lala yaabay

Caydiid Ali

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo digniin adag soo saaray

Caydiid Ali

Xiliga ciidamada Kenya ka baxayaan Soomaaliya oo ugu dambeyn la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---