Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax nuuca miinada wadada dhinaceeda la dhigo oo caawa fiidkii lala eegtay gaari uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Koofi.
Qaraxan ayaa ka dhacay isgooska KM4-ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore masjid halkaasi kuyaala, waxaana la sheegay in qaraxa oo bac lagu qariyay in lasii dhigay laamiga dhinaciisa.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay xili uu goobtaasi marayay gaari la sheegay in uu lahaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Koofi, waxaana la sheegay in agaasimaha uu nabad qabo kana bad baaday qaraxaasi.
Inta la xaqiijiyay hal askari oo kamid ahaa ilaalada agaasimaha ayaa ku dhintay qaraxa, warar kale oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qof kale oo shacab ah oo goobta marayay in isna qaraxa ku dhintay.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa qaraxa kadib goobta xiray, waxa ayna ciidamada halkaasi u diidayeen in cabaar ah in ay maraan dadka iyo gaadiidka iyagoona baaritaano ku sameeyay qaraxaasi.
Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin qaraxan caawa ka dhacay isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa ka dhacay meel u muuqata koontarool ku leh ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku fashilmay in ay kahortagaan qaraxaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com