Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Burcad Malaayiin Dollar ku dhacay Internetka oo talaabo yaab leh qaaday

Burcad internet-ka ayaa lacag la soo xaday ugu deeqaya hay`adaha gargaarka, arrintan oo loo arkay mid ka mid ah dembiyaha ugu xun ee barta internet-ka laga geysto.

Kooxda Darkside ayaa sheegatay in malaayiin dollar ay ka dhaceen shirkado, balse waxay xuseen inay haatan doonayaan inay dunida ka dhigaan meel ku habboon in lagu noolaado.

Qoraal ay soo dhigeen bartooda internet-ka ayay ku soo bandhigeen risiid $10,000 oo loogu deeqay labo hay`ad gargaar. Hay`adahas waxaa ka mid ah Children International, oo sheegtay inaysan qaadan doonin lacagtaas. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid la yaab leh.

Brett Callow, oo falanqeeya howlgallada burcadda internet-ka kana tirsan shirkadda Emsisoft, ayaa sheegay inaysan caddeyn hadafka dembiilayaasha. Wuxuu sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu arko koox burcad internet-ka ah oo ficilkan oo kale sameynaya.

Qoraal ay soo dhigeen bartooda 13-kii October, ayay burcaddan ku sheegeen inay keliya bartilmaameedsan doonaan hay`adaha waaweyn.

Waxay gacanta ku dhigaan oo ay afduubtaan hannaanka teknolojiyadeed ee shirkadda ilaa madax furasho laga siiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Akhriso) Lafgareen oo Gudoomiye & Ku-xigeen cusub u Magacabay gobolka Bakool

Caydiid Ali

Ciidamada booliiska oo qabtay burcad dhac ka geesan jirtay Muqdisho

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Madaxweynaha Somalia uu xil sare u Magacaabay gabadhiisa?

Caydiid Ali