Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta la kulmay golaha cusub ee Wasiirada uu xalay soo magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Waxa uuna ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo Wasiiradan cusub in ay la yimaadaan waxqabad muuqda xiligan adag, waxa uuna sheegay in rajo fiican ka qabo in ay kasoo bixi doonaan waajibaadka loo igmaday.

Wasiirada uu xalay soo magcaaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa isugu jira Wasiiro horey uga tirsanaa xukuumadii Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wasiiro kale oo cusub , waxaana la filayaa in Wasiiradan si deg deg ah ugula wareegaan xilalkooda.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo tagay Dekadda Muqdisho waxna ka bedelay Go’aankii uu usoo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Wadahadallada Dowladda iyo Somaliland

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Mareykanka tababar siinaya Ciidamo cusub kamid noqonaya Danab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---