Allbanaadir.com
NEWS

Muslimiin Badan oo laga tarxiilayo dal kuyaala Qaarada Yurub iyo Sababta keentay

Dowlada Faransiiska ayaa kordhisay cadaadiska ay ku heyso Muslimiinta kunool dalkaasi, kadib dilkii jimcihii duleedka magaalada Paris loogu geestay macalin arday uu wax u dhigayay tusay Sawir Gacmeed uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Booliiska Faransiiska ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay xir xiray dad badan oo muslimiin ah kuwaa ay ku eedeeyeen in ay yihiin xagjir sidoo kale taageereen dilkii loo geestay Macalinka u gefay Nabi Maxamed NNKH.

Dowlada Faransiiska ayaa si gaar ah u beegsaneysa ururada Muslimiinta ay leeyihiin, waxa ayna arimahan uga faa’iideesanaysaa dilkii dhawaan wiil dhalinyaro ah u geestay Macalinka u gefay Nabi Maxamed NNKH iyo diinta Islaamka.

Booliiska ayaan abaaritaano iyo dabagal ku haya qaar kamid ah ehelada ardayda Muslimiinta uu wax u dhigayay macalinka la dilay iyo dad kale oo baraha bulshada ku taageeray dilka macalinka loo geestay.

Dowlada Faransiiska ayaa qorsheenaysa inay wadankeeda ka tarxiisho 213 qof oo lagu sheegay dad xagjir ah oo ay ku jiraan 151 hada lagu hayo xabsiyada kuwaasi oo dib loogu celinayo wadamada ay kasoo jeedaan.

Cadaadiska lagu hayo Muslimiinta kunool dalka Faransiiska ayaa sii kordhaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxa ayna dowlada qaaday talaabooyin ka dhan ah dadka muslimiinta ah sidoo kale lagu caburinayo.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Sudan Riek Machar oo qaabilay danjiraha Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah gargaarkii dhowaan la geeyey Gaza oo la boobay (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobiya oo ka cudur-daaratay ka qeyb galka shir madaxeedka deg dega ah ee IGAD

Caydiid Ali
Taboola Ads ---