Allbanaadir.com
NEWS

Villa Somalia oo ka shaqeesay qorshihii Hiiraan lagu dhaafin lahaa xilka Madaxweynaha Hirshabelle

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal badan u gashay sidii isbadal dhinaca maamulka ah uga dhici lahaa Hirshabelle, waxaana hada muuqda mid hirgalaya qorshihii mudada ka shaqeeneysay Villa Soomaaliya.

Waxaa hada socda abaabulka dhismaha maamulka Hirshabelle, waxaana magaalada Jowhar gaaray qaar kamid ah odayaashii soo xuli lahaa Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waqti galisay sidii xilka Madaxweynaha Hirshabelle looga wareejin lahaa beesha Xawaadle oo afartii sano ee lasoo dhaafay heysay, waxa ayna Madaxtooyada hada la dooneysaa xilkaas beesha Abgaal gaar ahaan Cali Guudlaawe.

Siyaasiyiinta Xawaadle ayaa labo dhinac loo kala jabiyay si uu u hirgalo qorshaha Villa Soomaaliya, waxaana Madaxtooyada lagu casuumay laguna qanciyay Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaah Xasan Afrah oo kamid ah xubnaha ugu saameynta badan beesha Xawaadle.

Labadan Siyaasi ayaa loo sameeyay balan qaadyo kala duwan si ay uga shaqeeyaan hiraglinta qorshaha Villa Soomaaliya, waxaana labadan midkood loo balan qaaday Madaxweyne kuxigeen halka mid kalana xilal kale iyo dhaqaale loo balan qaaday.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka shaqeesay in nin kasoo jeeda Beesha Xawaadle laga dhigo Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya si uu uga shaqeeyo dhismaha Hirshabelle gaar ahaan howsha u maamulo sida ay rabto Madaxtooyada.

Waxaa hada muuqanaya in uu hirgalayo qorshaihii Villa Soomaaliya isbadalka uga dhalineysay maamulka Hirshabelle , si maamulkaasi loogu dhiibo xubno ku shaqeenaya afkaarta Farmaajo

Madaxtooyada Soomaaliya ayaaba hada sii diyaarsatay xubnaha ay la dooneyso xilalka Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Gudoonka Baarlamaanka si xubnahaasi uga shaqeeyaan sidii loo saari lahaa Xildhibaano ay rabto Villa Soomaaliya.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Saciid Ciise: “In maanta Jufo ay xoog ku raadiso xil ummadeed waa nasiib daro”

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo balan-qaad culus ka helay dhigiisa Mansur YavaÅŸ (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo sheegtay in xiligan aysan wadahadal la furi karin Somalia (Sababaha)

Caydiid Ali