Allbanaadir.com
NEWS

Fashilkii ugu horeeyay oo soo wajahay jadwalka iyo Habraaca doorashada Soomaaliya

Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa horaantii bishan heshiis ka gaaray doorashada Soomaaliya, waxa ayna soo saareen habraaca doorashada iyo jadwalkeeda.

Jadwalka doorashada ee lasoo saaray ayaa ka bilaabanayay magacaabista guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaal iyo heer maamul goboleed, waxaana lagu heshiiyay in guddiyadan lasoo magacaabo 10-ka ilaa 20-ka bishan October.

Ma jiro ilaa hada wax guddi ah oo dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada soo magacaabeen, waxa ayna tani muujineysaa in habraacii ugu horeeyay ee doorashada uu fashilmay ayna tani muujineyso in isbadal ku imaanayo jadwalkii horey loo soo saaray.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo kahor warqad uu soo saaray ku faray Madaxda dowlad goboleedyada in kahor 20-ka bishan kusoo magacaabaan guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka.

Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira wali kama hadlin sababaha hortaagan in lasoo magacaabo guddiyada doorashada Heer federaal iyo heer maamul goboleed iyo waxa hortaagan in la raaco jadwalkii lagu heshiiyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khilaafaad hoose oo wali ka dhax aloosan dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana laga cabsi qabaa in uu gabi ahaan fashilmo jadwalkii horey loo soo saaray.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi Caan ah oo la mamnuucay in lagu soo booqdo Xabsi weyn uu ku xiran yahay

Cabdi Cade

Nin 50 jir ah oo isku daldalay degaan hoos taga Magaalada Dhuusamareeb (Sababta)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala Saxiixday Heshiis gaaraya 92 Milyan Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---