Magaalada Bagdaad ee caasimada dalka Ciraaq waxaa ka dhacday dhacdo dad badan argagax ku abuurtay kadib markii haweeney magaaladaasi ku nooleed labo caruur ah ay dhashay ku tuurtay wabi.
Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu dhax arkay haweeneydan oo labada caruurta ah ku tuureysa webiga Dajlah ee dhexmara caasimadda Baqdaad, waxaana caruurta la sheegay in wabiga uu la tagay loona badinayo in ay geeriyoodeen.
Afhayeen u hadlay booliiska dalka Ciraaq ayaa sheegay in lasoo xiray hooyada caruurteeda ku tuurtay wabiga, waxa uuna xusay in ay socdaan baadi goob loogu jiro sidii loo heli lahaa meydadka caruurta wabiga lagu tuuray.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha haweeneydan caruurteeda ugu tuurtay wabiga ay salka ku heyso khilaaf xoogan oo kala dhaxeeyay ninkeeda oo dhawaan kala tageen sidoo kale uga guuleestay in isaga caruurta lagu wareejiyo.
Aabaha dhalay caruurta wabiga lagu tuuray ayaa muuqaal la baahiyay laga arkayay isaga oo taagan wabiga dhiniciisa aadna u ooynaya, waxa uuna si weyn uga murugeesnaa caruurtiisa wabiga lagu tuuray.
Dhacdadan ayaana caro badan ka abuurtay baraha bulshada gaar ahaan gudaha dalka Ciraaq, waxa ayna dadka badankood ku baaqayeen in hooyadan naxariista laheyn la marsiiyo ciqaab adag sidoo kale wax laga bedelo sharciga ilaalinta caruurta ee Ciraaq.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com