Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo shuruud adag ku xiray Sudan si liiska argagaxisada looga saaro

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sudan laga saarayo liiska dowladaha taageera ururada argagaxisada ah hadii ay bixiso malaayiin dollar oo magdhaw ah.

Trump ayaana dowlada Sudan ku qasbay in lacag badan oo magdhaw ah siiso dadkii ku dhintay weeraro  kooxda Al Qaacida ka fulisay Qaarada Afrika kaa oo lagu dilay dad Mareykan ah si looga saaro liiska argagaxisada.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweyne Trump ayuu ku sheegay in dowlada Sudan ay horumar weyn sameesay ayna ogolaatay in lacag gaareysa 335 milyan oo doolar magdhaw ahaan u bixiso si liiska argagaxisada looga saaro .

“War wanaagsan! Dowladda cusub ee Suudaan, oo horumar weyn sameyneysa, waxay ogolaatay iney 335 MILYAN siiso dhibbanayaasha argagixisada Mareykanka iyo qoysaska, marka la ii shubo, waxaan ka saari doonaa Suudaan liiska dowladaha taageera Argagixisada. Ugu dambeyntiina, waa caddaaladda dadka Mareykanka ah iyo tallaabo weyn oo loo qaado Suudaan!” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaana la sheegay in awood buuxdo u leeyahay in Sudan ka saaro liiska wadamada taageera ururuarada argagaxisada , waxaana Sudan hadii laga saaro liiskan wali kusii jira dowladaha Iran, Siiriya iyo Kuuriyada Waqooyi.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox la magac baxday Cali Qaran oo dagaal la gashay Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shan ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab oo xukun toogasho ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Banaadir oo Xildhibaan loo doortay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---