Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Darawal bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wiil darawal ka ahaa Mid ka mid ah mootooyinka Bajaajka ayaa galabta lagu dilay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in dilku ka dhacay agagaarka Xarunta ganacsiga ee Muqdisho Mall oo ku dhow dhismaha xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Askari ka tirsan ilaalada xarunta Muqdisho Mall ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey dilkaas ka dib markii muran uu soo kala dhex galay isaga iyo bajaajlaha.

Weli lama oga in askariga dilka geystay la qabtay ama uu baxsaday, iyadoo dilalka noocan ah ee loo geysto dhalinyarada ku xamaasha Mooyo bajaajka  ay ku soo laalaabteen magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo soo bandhigtay heshiis lagu qaboojinayo xiisada Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Daawo Video:-Somaliland oo casuumaad u fidineyso mucaaradka dowladda Somalia iyo wararka caalamka !!

admin

Wasiir Maareeye oo ku goodiyey inuu ka baxayo dowladda federaalka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---