Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Fanaanad caan ah oo goor dhow Muqdisho ku geeriyootay

Allaha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii caanka aheyd ee Soomaaliyeed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda.

Sii hayaha wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir, hobollada waaberi iyo bahda suugaanleyda Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan.

Saynab waxay fanka ku soo biirtay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, iyadoo riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aasaasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale.

Waqtigii burburka Saynab xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo la soo taagay Maxkamad Milateri iyo xukun lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo bur bur qarka u saaran

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo Gantaal balaastic ah ku dhuftay saldhigga ciidamada ee Negev

Cabdi Cade
Taboola Ads ---