Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Ciidanka Booliisaka oo lagu dhax dilay Guriga Taliye Xijaar

Sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya kana katirsanaa ilaalada gaarka ah ee taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa saakay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay dilka sargaalkan oo lagu magacaabayay Aadan Ibraahim Shamiindo ayaa ka dhax dhacay guriga taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana dilka geestay askari kale oo katirsanaa ilaalada taliyaha.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka askari u geestay sargaalkan ay wada shaqeenayeen uu yimid kadib muran labada nin dhax maray, waxaana goobta dilku ka dhacay ka baxsaday askarigii dilka geestay.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dilka ka dhacay guriga taliyaha booliiska, waxaana marar badan sidan oo kale isku dilay ciidamo kawada tirsan dowlada oo khilaaf soo kala dhax galay.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka & Isticnmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha khatar Caafimaad & dhimasho deg deg ah” (Sawirro)

Caydiid Ali

Xog:-Waa maxay Sababta Jabuuti looga dhigay Cadaw Kenyana loola heshiiyay

Cabdi Cade

Muslimiinta iyo Carabta Mareykanka oo qaatay go’aan ka nixiyey Madaxweyne Biden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---