Allbanaadir.com
NEWS

Ibrahim Omer oo noqday ninkii ugu horeeeyay oo Afrikan ah oo Xildhibaan ka noqda dalka ….

Nin qaxooti ah oo asal ahaana kasoo jeeda dalka Eritrea ayaa kamid noqday Baarlamaanka dalka New Zealand, kadib guul weyn oo doorashadii dhacday ka gaaray Xisbiga Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern.

Ibrahim Omer oo ahaa qaxooti isaga cararay dalkiisa Eritrea ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Qaarada Afrika ee kamid noqda Baarlamaanka dalka New Zealand.

Warbaahinta caalamka ayaana si weyn u hadal heysa guusha uu ninkan qaxootiga ahaa ka gaaray dalka New Zealand, waxa uuna ninkan xubin muhuum ah ka ahaa xisbiga talada New Zealand haya taa oo guusha u horseeday.

Ibrahim ayaa dalkiisa Eritrea ka tagay sanadkiii 2003-dii waxa uuna tagay dalka Sudan uu ugu dambeyn uga sii gudbay dalka New Zealand uu ka helay nolal ka duwan tii uu dalkiisa hooyo ku heestay.

Ninkan Xildhibaanka noqday ayaa dalka New Zealand markii uu gaaray nadiifiye ka noqday Jaamacadda Victoria, waxa uuna ugu dambeyn waxbarasho ka bilaabay isla jaamacadaasi uu markii dambe ka baxay isagoona siyaasada ku biiray.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo booqday Deegaano Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Netanyahu iyo Erdogan oo mar kale hawada isu mariyey hadalo aflagaado ah

Caydiid Ali

Hogaamiye Mareykanku madaxiisa dul saaray malaayiin Dollar oo gaaray Sacuudiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---