Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa howlgal balaaran waxa ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burte iyo Jalalaqsi .

Taliyaha qeybta 27-aad CXDS  Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in howlgal ku dileen 11-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo dhuumaaleysi ku joogay inta u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buulo Burte.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka ujeedka ay u fuliyeen uu ahaa in ay nadiifiyaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab uu sheegay in dadka shacabka ku dhibaateen jireen inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burte iyo Jalalaqsi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa intii uu howlgaku socday ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Buurweyn, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Al Shabaab ayaa wali awood badan ku leh qeybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan, waxa ayna Al Shabaab go’doomiyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Hiiraan oo ay joogaan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay falkii cunsuriyada ahaa ee lagula kacay Vinicius Junior

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Belad-weyne

Cabdi Cade

Xus loo sameenayo Labo Oday oo Sabab u ahaa in lala Dagaalamo Al Shabaab oo socda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---