Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Xijaar oo Digniin u diray ciidamada booliiska ee ku sugan Koontaroolada Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar ay wehliyaan saraakiil katirsan ciidanka booliiska ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaar kamid ah baraha koontarool ee Muqdisho ka joogaan ciidanka booliiska.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaana kormeer ku sameenayay sida ay u shaqeeyaan ciidamada booliiska ee ku sugan koontaroolada Muqdisho gaar ahaan ciidanka jooga laamiyadii dhawaan dhagxaanta laga qaaday.

Gen. Cabdi Xasan Xijaar oo kormeerka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wali furan yihiin wadooyinkii dhagxaanta laga qaaday, waxa uuna xusay in ciidamada si wanaagsan u wadaan shaqada sugida amaanka.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaana uga digay ciidamada ku sugan koontaroolada kuyaala Muqdisho in ay dhibaan dadka shacabka ah kana qaataan lacago baad ah, waxa uuna ciidanka ugu baaqay in dadka hubiyaan kaliya balse aysan dhibaateyn.

Hadalka taliyaha ciidanka booliiska ayaa kusoo aadaya xili ay soo baxayeen Isgoosyadii dhawaan dowlada dhagxaanta ka qaaday shacabka doonaya in ay maraan lagu dhibo qaarkoodna ciidamada ka qaataan lacago baad ah si ay u maraan wadada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Ismari-waa ka taagan xulista Xildhibaanada Somaliland ku metela DF & Farmaajo oo..

admin

Farmaajo oo loogu baaqay sameynta Afar arin si uu Imaaradka ula Heshiiyo (Akhriso )

Cabdi Cade

Guddiga doorashooyinka oo soo saaray Habraaca diiwaangelinta Xisbiyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---