Waxaa xerada tababarka ee Turkisom ee magaalada Muqdisho tababar cusub looga furay 450 askari oo kamid noqon doona Ciidamada lugta ee milatariga Soomaaliya, waxaana ciidankan la siinayaa tababar adag si ay u noqdaan kuwa awood badan leh.
Ciidamadan cusub ee tababarka loo furay ayaa safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho sheegtay in ay yihiin kuwa si gaar ah loo soo xulay oo katirsan ciidamada lugta ah, waxa ayna safaarada sheegtay in ciidankan tababarka u socon doono dhoor bilood.
Ciidamadaan oo tababarka loo furay ayaa waxaa lagu dhaariyay xarunta tababarka ciidamada ee TurkSom ee kutaala magaalada Muqdisho, iyaga oo dhowr bilood, kadib tababarka loo soo xiri doono si ay u guda galaan howlihii loo tababaray.
Munaasabadda tababarka loogu furayay Ciidamada oo lagu qabtay xarunta tababarka Ciidamada ee TurkSom ayaa waxaa ka qeyb-galay saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo howlwadeenada Taliska Ciidanka Soomaaliyeed ee Turkiga.
Ciidamadaan tababarka looga furay Muqdisho ayaa waxaa ay yihiin dufcadii lixaad oo dowladda Turkiga ay u tababarto Ciidanka lugta Soomaaliya, waxaana Ciidamadii horay loo tababaray ay ka qeyb qaadanayaan howlgallada ka socda Gobolada dalka Soomaaliya.
Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga, waxaana Muqdisho ka furtay Saldhig weyn oo lagu tababaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.