Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xarig magaalada Muqdisho Ciidamada Nabad Sugida ugu geesteen Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadow oo katirsan Idaacada Kulmiye.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka dalbaday Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya in xabsiga kasii daayaan Wariye Kulmiye , waxa uuna xusay in ku takrifalka awooda ay horseeday dulmi iyo qaran jab.
Waxa uu sheegay Siyaasigan in Taliyaha ciidamada Nabad Sugida Fahad Yaasiin xiligii uu katirsanaa telefishinka Aljazeera uu wareysan jiray Madaxda sare ee Al Shabaab , waxa uuna xusay in aysan jirin cid xirtay Fahad .
”Waxaan madaxda Dowladda ka dalbanaynaa in ay Xabsiga xaqdarrida ka sii dayso suxufi C/llaahi Kulmiye Caddow. Ma jirto cid soo xirtay, xorriyaddana uga qaadday taliyaha Nabadsugidda markii uu isagoo Aljazeera u shaqeeya duurka ku soo waraysan jiray madaxda sare ee argagexisada Al-shabaab. Ku takrifalka awoodda waa dulmi inoo horseeday qaran jabka aan weli ka soo kaban la’nahay” ayuu yiri Mr Warsame.
Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadaw ayaa la sheegay in loo xiray Wareysi uu dhawaan ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo sheegay in mabda ahaan uu taageersan yahay kooxda Al Shabaab raalina ka yahay in kooxda Xalane joogta la laayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com