Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Muuse Biixi oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Berbera (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka ka amba baxay  Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh-ahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaanba deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.
 
Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxa deegaanka Cumar ku-joog ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana intaas kaddib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.
 
Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey.

Related posts

Diyaaradaha Dagaalka Sudan oo Duqeymo culus ku garaacaya saldhigyada RSF

Cabdi Cade

Nin gacan ku dhiigle ah & Xashiish fara badan oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaleey Yuusuf Jiile oo xalay lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahiino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---