Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada NISA oo Muqdisho ku xiray Wariye Caan ah oo qaaday Wareysi ka careesiyay

Ciidamo katirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa xalay howgiisa u dhacay kana soo xiray Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadow oo katirsan Idaacada Kulmiye ka howlgasha Muqdisho.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye Burhaan Diini Faarax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada NISA xalay howgiisa kala baxeen Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadow, waxa uuna sheegay in xarigiisa aysan ciidamada u heesan wax fasax ah.

Waxa uu sheegay Burhaan Diini in xariga Wariye Kulmiye in ay tuhmayaan kaliya in ay la xariirto wareysi uu maalmo kahor ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo wareysigaasi ku sheegay in uu taageersan yahay mabaadiida Al Shabaab.

Xarigan loo geestay Wariye Cabdulaahi Kulmiye Cadaw ayaa kusoo aadaya xili ciidamada Nabad sugida Soomaaliya sidoo kale habeen hore xabsiga dhigeen ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo isna loo xiray wareysiga uu bixiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay madaafiicdii lagu weeraray xarunta Xalane

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliys oo si adag uga hadashay Weerar ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolks Gedo

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Jawaari oo Ciidamo la galay Xarunta Baarlamaanka iyo Xiisad taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---