Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo shaaciyey lacagta sanadkan kaga baxday gargaarka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaad saddax boqol oo milyan oo doolar ay ku bixiyeen sanadkan u gargaarka dadka dhibaateysan  ee Soomaaliya.

Deeqdan oo la soo mariyey hay’adda USAID ee Mareykanku leeyahay waxaa 275 milyan oo la mid ah waxaa lagu iibiyay raashiin iyo agabka wax lagu cuno.

Dadkan ayaa ah kuwo aad ugu baahnaa raashiinka waqtigan oo Soomaaliya ay xaalad adag oo dhanka beni’aadannimada ka jirto.

Dhibaatooyinka ka jira Fatahaadaha Ayaxa iyo COVID-19 ayaa sii murjiyay xaaladaha heystay dadka tabaaleysan.

In ka badan shan milyan oo qof ayaa lagu qiyaasaa dadka Soomaaliyeed ee u baahan gar gaarka deg deg ah sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaaban lacagta faraha badan ee Maraykanku sheegay iney kaga baxday gargaarka Somalia iyo cida la siiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Diyaar garow Xoogan ay sameeyeen Ciidanka Mucaaradka & kala cararkii ku dhacay markii xabadda isqabsatay!!

admin

Macalimad si ay Ardaydeeda u jecleysiiso Wax-barashada Fasalka uga dhigtay Mid Ashqaraar leh! (Sawirro)

Cabdi Cade

General Mohamed Hamdan Daglo oo Booqasho lama filaan ah ku tagay Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---