Allbanaadir.com
NEWS

Munaasabad Lagu Taageerayay Musharaxnimada Khayre Oo Muqdisho Lagu Qabtay (Sawirro)

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan, laguna taagerayay musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
 
Dhamaan dadkii munaasabada ka hadlay waxay sheegeen in la joogo xilligii Xasan Cali Khayre uu dalka hoggaamin lahaa si uu u dhameystiro shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu dalka u qabtay xilligii uu dalka Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa.
 
Xafladda ayaa lagu soo bandhigay suugaan lagu cabirayo waxqabadka, kartida, iyo rejada laga qabo inuu dalkaaan isbedel ku sameeyo Xasan Cali Khayre oo kamid ah musharixiinta ugu cad cad ee loo saadaalinayo inuu noqodo madaxweynaha 10aad ee dalka.
 
Dhallinyadada munaasabadda ka hadashay ayaa shaaciyay inay sii wadayaan munaasabadaha lagu taageerayo Xasan Khayre ayna gaarsiin doonaan guud ahaan dalka iyo dalka dibadiisa.
 
Xasan Cali Khayre oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu xukunka dheeraa ee dalka buruburkii kadib ayaa dhawaan shaaciyay inuu u ordayo xilka madaxweynaha dalka, waxuuna dalka dibadiisa ka billaabay olole xooggan oo uu ugu gogol xaarayo qabashashada xilka madaxweynaha dalka.

Related posts

Qaraxyo baco lasoo galiyay oo caawa Muqdisho iyo Booliiska oo war kasoo saaray

Cabdi Cade

Xisbullah oo shaacisay inuusan quseyn heshiiska Xabad joojinta, ayna sii wadeyso dagaalka

Caydiid Ali

Wadooyinka Muqdisho oo caawa mar kale la xiray iyo Xog ku aadan sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---