Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada DF (Sawirro)

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay iney isku soo dhiibeen saddex dagaalyahan oo ka soo goostay Al-shabaab.

Labo ka mid ah saddexda dagaalyahan ayaa waxaa la sheegay iney wateen Hubkooda.

“Maleeshiyadkan isa soo dhiibay ayaa sheegay in kooxda itaal darradii heysatay ay ugu darsoontay inuu ka dhex qarxay dagaal iyo Khilaaf dhexdooda ah oo gaaray inay is beegsadaan horjoogeyaasha argagixisada” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada DF.

Magacyada ragga isa soo dhiibay ayaa lagu kala sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin, Cabdiqadir Ibraahin Cabdullaahi iyo Cabdicasiis Maxamed Koosaar.

Masuuliyiinta Belad-xaawo ayaa sheegay iney dhaqan celin u sameyn doonaan raggan isa soo dhiibay, ayna lacag ugu bedelayaan hubka ay wataan, iyagoo ugu baaqay dagaalyahanada kale ee ka tirsan Al-shabaab iney ku daydaan talaabada ay saaxiibadood uga soo baxeen kooxdaas si ay u helaan nolol iyo mustaqbal wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Itoobiya oo xir xirtay xubno lagu tuhmay in ay sameeyaan af-gambi

Cabdi Cade

Puntland oo ka hor timid go’aan dhowaan ka soo baxay Wasarada Waxbarshada DF

Caydiid Ali

Daawo Video:-Niyad Jabka ama diiqada qofka ku dhacda maxaa sababa? wax badan Ka ogow

admin
Taboola Ads ---